Shahaadooyinka waxbarashadu waxay caddayn u yihiin inaad dhammaysatay koorsada waxbarasho waxayna kuu oggolaanayaan inaad sii wadato waxbarasho iyo shaqo dheeraad ah. Luminta ama waxyeellaynta shahaadooyinkan waxay kuu horseedi kartaa inaad lumiso shaqo ama fursad aad ku sii wadato waxbarashadaada. Shahaadada Kenya ee Waxbarashada Sare (KCSE), tusaale ahaan, waxaa looga baahan yahay diiwaangelinta tacliinta sare sida jaamacadda ama kulliyadda. Waxaa intaa dheer, loo-shaqeeyayaasha qaarkood waxay u baahan yihiin inay soo gudbiyaan shahaadooyin tacliimeed oo caddayn u ah shahaado.
Maqaalkan, waxaan ku soo bandhigi doonaa tillaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si loogu beddelo shahaadada akadeemiyadeed ee KNEC ee luntay ama waxyeelleyn soo gaarto waxaan ku siin doonnaa macluumaadka aad u baahan tahay si loo xaqiijiyo habraac hufan.
Noocyada shahaadooyinka Golaha Imtixaanaadka Qaranka Kenya (KNEC) soo saarto
KNEC ayaa bixisa shahaadooyinka tacliimeed ee soo socda
1. Shahaadada Kenya ee Waxbarashada Sare (KCSE)
Tani waa shahaado la siinayo ardayda dhameysatay waxbarashada dugsiga sare (Form 1-Form 4) ee dalka Kenya. Shahaadadan ayaa la guddoonsiiyaa ardayda ka dib marka ay u fariistaan imtixaanada KCSE-da ee dalka oo dhan.
2. Shahaadada Waxbarashada dugsiga Hoose ee Kenya (KCPE)
Shahaadadan ayaa ah mid la guddoonsiiyo ardayda dhameysatay waxbarashadooda hoose (Standard 1 – Standard 8) ee u fariistay imtixaanaadkooda KCPE-da. Imtixanaadkani waa shuruudaha gelitaanka waxbarashada dugsiga sare
3. Shahaadooyinka waxbarashada dugsiga sare kadib sida Tababarka xaga farsamada (TVET), Ganacsiga iyo Shahaadooyinka Tababarka Macalimiinta (TTC)
Diiwaangelinta codsiga beddelka shahaadoyinka waxbarasho ee (KNEC)
KNEC waxay ka dhigtay hab fudud beddelaada shahaadooyinka lumay ama waxyeeleynta soo gaarte
Codsiyada beddelka shahaadooyinka akadeemiyadda waxaa lagu sameeyaa khadka tooska ah ee Query Management Information System (QMIS)
KNEC waxay ku siin doontaa warqad caddaynaysa natiijooyinka imtixaanada oo u dhaqma sidii shahaado nuqul ah marka codsigaaga la habeeyo oo dhammaan dukumentiyada loo baahan yahay la xaqiijiyo
Dukumeentiyada loo baahan yahay in lagu soo gudbiyo codsigaaga si loogu beddelo shahaadooyinka lumay/ Waxyeelleysan ee KNEC
1. Nuqul ka mid ah shahaadadii luntay ama warqadaha natiijada: Warqadaha natiijada ayaa looga baahan yahay dhammaan imtixaanada marka laga reebo imtixaanadii KCPE-da ee sannadihii 1926 ilaa 2012 (Natiijooyinka imtixaanada KCPE ee sanadka 2013 ee laga helay nidaamka KNEC waa la aqbali karaa).
Waxaad ka heli kartaa warqada natiijada ee KNEC dugsigii aad imtixaanada ku gashay
2. Warqadda dhaarta: Warqad dhaar ah oo laga helay qareenka maxkamadda sare ee Kenya.
3. Xaqiijinta Diiwaan hayaha: Xaqiijinta aqoonsiga codsadaha ee diiwaan-hayaha dadka. Si aad u hesho warqada xaqiijinta aqoonsiga, aad xafiiska diwaan hayaha ee degmadaada
4. Booliis Abstract: Warqad asal ah oo booliis ah oo caddaynaysa inaad lumisay shahaadadaada.Abstract booliis ayaa laga heli karaa saldhig kasta oo booliiska aaggaaga. Markaad lumiso ama dhaawacdo shahaadadaada, waa inaad u sheegtaa booliska
5. Koobiyo dukumeenti aqoonsigaaga:
Codsadayaasha da'doodu ka yar tahay 18 jir waxay u baahan doonaan inay haystaan nuqullo ka mid ah shahaadooyinkooda dhalashada, iyo nuqul ka mid ah kaarka Aqoonsiga Waalidka/Qofka kamasuulka ah aqonsigiisa (ID) ama baasaboorka.
Dadka qaangaarka ah (ka weyn da'da 18) waxay u baahan doonaan inay haystaan nuqullo ka mid ah kaararka aqoonsiga ee waddankooda ama karaka aaliyanka, (ID-yada) ama baasaboorada.
Magaca dukumeentiga aqoonsigu waa inuu la mid noqdaa magaca loo adeegsaday imtixaanadii la bixiyay shahaadada luntay
6. Sawirka basaboorka ee Midhabka leh.
Fiiro gaar ah: Kuwa si sharci ah u beddelay magacyadooda waa inay ku jiraan dukumeenti sharci ah oo ay ku beddeleen magacooda sida shahaadada guurka ee haweenka ama nuqulka ogeysiiska Gazette halkaasoo magaca la beddelay uu kamuuqdo.
Tallaabooyinka lagu codsanayo beddelka shahaadada KNEC:
Tallaabada 1aad: Codsiyada beddelka shahaadooyinka akadeemiyadda waxaa lagu sameeyaa khadka tooska ah ee KNEC, Nidaamka Macluumaadka Maareynta Weydiinta (QMIS). Waxaa lagaaga baahan doonaa inaad gasho adiga oo gelaya isticmaalekaaga(User name) iyo eraygaaga sirta ah(Password)haddii aad horeba akoon u leedahay. Haddii aadan akoon lahayn, waxaa lagaa rabaa inaad samaysato akoon si aad u gasho marinka. Raac habka hoose si aad u abuurto.
Sawirka bogga QMIS.
Tallaabada 2: Samee akoonkaaga QMIS.
Tuuji badhanka "Diiwaangeli" si aad u abuurto akoon cusub. Waxaa lagaa rabaa inaad bixiso macluumaadka soo socda marka aad samaynayso akoonkaaga:
- Magaca buuxaLambarka gacanta.
- Cinwaanka boostada
- Lambarka telefonkadha
- Magaca/magacaabidda sida Mr. Mrs. iwm.
- Ciwaanka iimaylkadha
Markaad gasho dhammaan macluumaadka kor ku xusan oo aad xaqiijiso ciwaanka emailkaaga, dhagsii mesha kuqoran "Diiwaangeli". Nidaamka QMIS ayaa markaa si toos ah u samayn doona akoonkaaga wuxuuna kuu soo diri doonaa magacaaga isticmaale(Username) iyo eraygaaga sirta ah (Password) ciwaanka emailkaaga.
Waxaad markaa isticmaali kartaa iimaylkaga si aad u hesho magacaaga isticmaale iyo eraygaaga sirta ah oo aad gasho bogga
Sawirka xogta lagaa rabo inaad buuxiso markaad iska diiwaan galinayso/samaynayso akoonkaaga bogga QMIS.
Tallaabada 3: Buuxi foomka codsiga onlaynka oo ku lifaaq dukumentiyada loo baahan yahay.
Markaad gasho nidaamka QMS, taabo qaybta "Shahaadada Lumay" si aad u furto foomka codsiga. Geli nambarkaaga Tusaha – waa nambar aqoonsi gaar ah oo la siiyo ardayda u diiwaan gashan inay u fariistaan imtixaanka KNEC -, Imtixaan, Sannadka iyo bisha aad u fariisatay imtixaanka) ka dibna dhagsii badhanka "Find" kadib nidaamka ayaa xaqiijin doona faahfaahintaada oo ku bixin doona magacaaga oo buuxa sanduuqa "Magaca”.
Ku dheji dhammaan dukumeentiyada loo baahan yahay ee ku jira qaybta lifaaqyada oo guji "Gudbi" si aad u dirto codsigaaga
Sawirka foomka codsiga onlaynka ah
Markaad soo gudbiso codsigaga, KNEC waxay xaqiijin doontaa dukumentiyadaada ka dibna waxay kuu soo diri doontaa baybill, akaunt nambarkodha SMS ahaan lambarka taleefanka gacanta ee aad isticmaashay intii lagu jiray diiwaangelinta taasoo muujineysa tirade guud ee lacagta lagu bixinayo oo ah Ksh5,220 (oo ay ku jiraan VAT).
Sii wad in aad wax ku bixiso adeega xawilaada ee ku salaysan mobaylka, MPESA iyo KNEC ayaa bilaabi doona habaynta codsigaaga. Shahaadada nuqulka ah waxaa lagu farsameeyaa shan iyo toban (15) maalmood oo maalmaha shaqadha ah.
Maxaa dhacaya haddii codsiga la diido?
Codsigaagu wuxuu noqon karaa mid aan guulaysan hadii:
- Faahfaahinta sida magacaaga, magacaaga dugsiga ama xarunta imtixaanaadka, nambarka tusaha ee codsiga wuu ka duwan yahay kuwa loo isticmaalay imtixanka
- Hadii Codsigadhu usan buuxinin dhammaan shurudaha
Haddii codsigaga uu ku guuldareysto inuu meelmaro, waxaad dib u codsan kartaa adigoo ka saaraya codsigii hore iyo dhammaan dukumeentiyada ku lifaaqan portal ka dibna ku dhejinaya xogta saxda ah iyo dukumentiyada maqan
Halkee ka heli doontaa shahaadadaada?
KNEC waxay kugu wargelin doontaa faahfaahinta xiriirka aad isticmaashay si aad u diiwaan geliso akoonkaaga marka codsigaaga la habeeyo oo shahaado nuqul ah ay diyaar u tahay in laga soo ururiyo xafisyadooda.
U tag xafiiska KNEC shaqsi ahaan adhigo sita aqoonsi ama baasaboor sax ah si aad u soo qaadato shahaadadaada nuqulka ah.
Codsadayaasha ka yar da'da 18 waa in ay la socdaan waalid ama mas'uul rasmi ah. Waalidka ama qofka ilmaha masuulka ka ah waa inay tusaan kaarkooda aqoonsiga ee asalka ah iyo ilmaha aan qaan-gaarin shahaado dhalashadiisa asalka ah. Waxaad wax badan ka baran kartaa sida loo helo shahaadada dhalashada dhalashada maqaalkan.
Waxa kale oo aad hubin kartaa heerka codsigaaga adiga oo soo gasha KNEC Nidaamka Maareynta Maareynta Macluumaadka (QMIS)
Fiiro gaar ah: Haddii shahaado aan la qaadin LABA (2) sano kadib taariikhda codsiga, KNEC way tuuri doontaa iyada oo aan la xiriirin codsadaha mana soo celin doonto lacagta la bixiyey.
Xiriirada muhiimka ah iyo ciwaanada gargaarka.
- Madaxa fulinta ee KNEC ciwaanka iimaylka: ceo@knec.ac.ke ama archives@knec.ac.ke
- Golaha Sare ee Imtixaanaadka Qaranka Kenya (KNEC) oo ku yaala Aqalka Cusub ee Mitihani (NMH) Wadada weheliso Popo ee ku taal aagga South C ee Nairobi
- Telefonka gacanta: +254 020 3317412 / 3317413 / 3317419 / 3317427 / 3341027 3341050 / 3341071 / 3341098 / 3341113 / 2213381
- Lambarka telefonka: 0720741001/0732333860
- Lambarka fakiska: +254-020- 2226032
- Limal: exams@knec.ac.ke
- Website: https://www.knec.ac.ke/
Haddii aad wax su'aalo ah qabtid, fadlan noogu soo qor bogga Julisha.Info Facebook, ama nagala sheekeyso WhatsApp-ka (+254110601820) Isniinta illaa Jimcaha laga bilaabo 08:00 subaxnimo illaa 5:00 galabnimo.