Sharciyada cusub ee qoxootiga Kenya, Xeerka Qaxootiga 2021 waxa la bilaabay in la isticmaalo Febraayo 23, 2022.Isbadalada waxay u keenen xuquuq cusub qaxootiga, magangalyo doonka iyo xitaa taabanaya sida dadka Kenyaanka ah ay ula xiriiraan oo ay ula noolaadaan qaxootiga.
Isbeddeladu waxay taabanayaan diiwaangelinta, sharciyada, isdhexgalka iyo fursadaha shaqo, ganacsi, iyo dhaqdhaqaaqa qaxootiga.
Halkan waxaa ah su'aalo guud oo ku saabsan waxa uu leeyahay sharciga qaxootiga iyo jawaabaha khubarada sharciga.
Xeerka Qaxootiga ee 2021 ma saameynayaa xiritaanka xeryaha qaxootiga marka la gaaro Juun 2022?
Sharciga ayaa sheegaya in dowladdu ay qaadi doonto tallaabooyin lagu taageerayo qaxootiga si ay u dhexgalaan bulshada Kenya. Xeerka waxa uu siinayaa xuquuqaha soo socda.
- Qoxootiga la aqoonsan yahay waxa uu xaq u yeelanayaa in uu shakhsi ahaan ama koox ahaan u galo shaqo faa'iido leh ama ganacsi ama ku shaqeysto xirfad ama ganacsi halkaas oo uu haysto shahaadooyin ay aqoonsan yihiin awoodaha Kenya;
Tan waxa laga wadaa ,qofka loo aqoonsan yahay qoxootinimada in la shaqaaleysiiyo, bilaabo ganacsi ama ku shqeysto xirfad ama ganacsi. Shahadooyinkoda wa in ay aqoonsadaan awoodaha ay ku habboontahay ee kenya.
Xeerka qooxtiga ee 2021 wuxuu kaloo leeyhay:
- Qaxootiga waa in loo awoodsiyaa in ay ka qaybqaataan horumarka dhaqaale iyo bulsho ee Kenya iyada oo loo fududeynayo helitaanka, iyo soo saarista, sharciyada ay ubaahan yahiin dawladaha qaranka iyo kuwa is maamulkaba.
Dawladaha heer qaran iyo heer ismaamulba waa in ay u fududeyaan qaxootiga inay helaan sharciyada loo baahan yahay.Waxay awood u siin doontaa inay ka qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada.
Qoxootiga sidoo kale waa in lagu daraa himilooyinka horumarka waara ee heer qaran iyo ismaamul ee dalka iyo la wadaaga agabka bulshada ee bulshooyinka martida loo yahay.
Muxuu sharciga ka qabaa ka qeybgalinta kooxaha nugul?
Xeerka waxa uu dhigayaa in dawladda Kenya oo kaashanaysa UNHCR iyo hay’adaha kale ee ku jira caawinta qaxootiga ay si gaar ah u eegi doonto haweenka, carruurta, dadka da’da ah, dhibanayaasha dhaawacyada soo gaareen iyo dadka naafada ah inta lagu jiro soo dhawaynta iyo deganaanshaha.
Muxuu Xeerka Qaxootiga 2021 ka qabaa dib u dajinta qaxootiga ee wadan saddexaad?
Xeerka waxa uu tilmaamaya in dib u degin oo qayb ka ah xalalka waara ee qoxootiyda ku nool Kenya. Sida ku qoran sharcigan, qooxtigu waxa ay heli karaan fursado dib u dajin wadan kale oo ka baxsan wadankii ay ka yimaadeen. Iyada oo u ololaynaysa, dowladdu waa in ay raadisa meela dib u degin oo dheeraad ah oo ay dheer tahay kuwa horeba u qoondeeyeen hay’adaha kale.
Sida laga soo xigtay xogta UNHCR, 458 qaxooti ah oo ku noolaa Kenya waxaa u suurtagashay in dib u dejin loo sameeyo waddan saddexaad sanadka 2020. Si kastaba ha ahaatee, tirada qaxootiga laga qaadey Kenya 2021 ayaa kor u kacday ku dhawaad saddex laab waxayna noqotay 1,517 qof.
Raac LIFAAQ-an si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dib-u-dejinta iyo habka dib-u-dejinta ee qaxootiga Kenya.
Xeerka Qaxootiga 2021 ma ogolaanayaa Dib u noqoshada Iskood ah (ku laabashada wadankii uu ka yimid) ee qaxootiga ku nool Kenya?
Xeerka wuxuu dhigayaa in magangelyo-doonka ama qaxootiga ku nool Kenya ay xaq u yeelanayaan in si iskood ah loogu celiyo ayaga iyo hantidooda guurtada ah iyagoo raacaya nidaamka iyo sharciyada loo baahan yahay. Haddii aad ku joogto Xerada Qaxootiga Dhadhaab, waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dib u celinta ikhtiyaariga ah halkan iyo Kakumana halkan.
Ma loo ogolaan doonaa qaxootiga inay u dhaqaaqan meel ka baxsan aagga qaxootiga oo ay si xor ah ugu socdaalayaan Kenya?
Haa, Haddii aad leedahay warqadii socdaalka.Qaxootiga iyo magangelyo doonka doonaya inay u safraan meel ka baxsan meelaha loo qoondeeyay oo u soo dhaqaaqa gudaha Kenya waxaa looga baahan yahay inay ka codsadaan warqada socodaalka Waaxda Adeegyada Qaxoontiga (DRS), oo hore loo yiqiin Xoghaynta Arrimaha Qaxootiga (RAS).
Waa halkee meelaha loo qoondeeyay in lagu marti geliyo qaxootiga Kenya?
Xeerku waxa uu dhigayaa in aanu yeelanayno is maamulo loo qoondeeyay in ay martigeliyaan qaxootiga laakiin ma bixin ama ma magacaabin is maaamulada ama meelaha gaarka ah ee loo qoondeeyay martigelinta qaxootiga ee Kenya.Dawladdu iyadoo la tashanaysa is maamulada waa ay cayimi doonta.
Xeerka Qaxootiga 2021 ma ogolyahay in la diiwaan geliyo qaxooti dheraad ah oo soo galaya Kenya?
Haa!
Sida uu qabo sharciga cusub, qofka dalka soo galaya si uu magangalyo u weydisado waa in uu, sida ugu dhaqsaha badan u aadaa xarunta soo dhaweynta ee kuugu dhow ama xafiiska maamulka dowladda ee kuugu dhow si uu magangalyo u codsado.Tani waa inay noqotaa 30 maalmood gudahood.
Qofku wuxuu galaa dambi haddii qofkaas markuu Kenya soo galo uu ku guuldareysto inuu sheego, ama uu codsado magangalyo. 30-ka maalmood ee ugu horreeya dalka.Qofka wuxuumutaysan doona ciqaabta lagu xukumo, ganaax aan ka badnayn konton kun oo shilin (Ksh50,000) ama xarig aan ka badnayn lix bilood.
Ka waran haddii la diido codsigayga Qaxootinimo?
Haddii ay dhacdo in codsigaga magangalyada la diido, sharciga cusub wuxuu kuu ogolaanayaa ilaa 60 maalmood si aad u sahamiso fursadooyin racfaan oo kala duwan oo ay ku jiraan Guddiga Racfaanka Xaaladda Qaxootiga.Sharcigu waxa uu sheegayaa in aan wax kharash ah laga qaadi doonin buuxinta codsiyada iyo rafcaannada natiijada go'aaminta xaaladda qaxootiga.
Xoghaynta Arrimaha Qaxootiga (RAS) ma sii wadi doontaa u adeegidda qaxootiga xerada?
Sida ku qoran Xeerka Qaxoontiga 2021, Xoghaynta Arrimaha Qaxootiga (RAS) waxay u gudubtay Waaxda Adeegyada Qaxoontiga (DRS). Dhammaan awoodaha, xuquuqaha iyo ballanqaadyada RAS waxaa hadda fulin doona DRS.
Maxaa ku dhici doona kuwa la wareystay go'aan ka gaarista heerka qaxootinimo balse aan helin wax jawaab celin ah?
Qof kasta oo codsaday in loo aqoonsado qaxoonti ahaan, iyo xubnaha qoyskoodu waxay xaq u yeelan doonaan inay ku sii sugnaadaan Kenya ilaa codsigooda si buuxda loo go'aamiyo.Haddii codsiga la diido, waxa weli laguu ogolaan doonaa wakhti aad ku baarto oo aad raadiso xaqa aad u leedahay inaad racfaan ka qaadato go'aanka.
Waa ayo dadka loo tixgelin karo inay xubin ka yihiin qoyska Qaxoontiga?
Xeerka Qaxootiga 2021 waxa uu aqbalayaa caruurta la korsadey iyo qaraabada guurka sida xubnaha qoyska qaxootiga.ayadoo la raacaya xeerka, xubnaha qoyska ee qaxootiga waxaa ku jiri doona;
- Xaas kasta oo qaxooti ah
- Ilmo kasta oo qaxooti ah, oo uu ku jiro ilmo la korsaday ilaa inta ay ka yar yihiin da'da 18 sano.
- Qaraabada dhow ee qaxootiga
- Lamaane isqaba oo qaxoonti ah
- Qofka ku tiirsan dakhliga qaxootiga
Qaxootiga guursaday Kenyaan ma dalban karaa dhalasho marka la eego sharciga cusub?
Sharciga cusub kama hadlin guurka, balse sharciga kenya: – waxa uu dhigayaa in qofka guursaday muwaadin Kenyaan ah muddo aan ka yareyn 7 sano, haddii guurkaasi uu ahaa mid lagu aasasey hab sharci ah, laga aqoonsan yahay Kenya, oona heley sharciga degenaanshaha waxa uu xaq u yeelan doonaa codsiga dhalashada Kenya.
Haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan Xeerka Qaxootiga 2021, fadlan noogu soo qor bogga Julisha.Info Facebook, Isniinta illaa Jimcaha laga bilaabo 08:00 subaxnimo ilaa 5:00 galabnimo.