Qaxootiga, dadka magangelyo doonka ah iyo ajaanibta ku nool Kenya waxay xaq u leeyihiin inay helaan adeegyada dadwynaha oo muhiim u ah oo ay bixiyaan dawlada dhexe iyo dowlada ismaamulka. Dowlada Kenya waxay leedahay hal meel oo online ah oo laga helayo dhamaan adegeyada dowlada. Madaashas oo loo yaqaan e-Citizen waxaa loola jeedaa in codsiyada adeegyada ay ka dhigto kuwa fudud oo degdeg ah. Nidaamka eCitizen waa bogga ugu muhiimsan ee laga heli karo in ka badan 16,000 oo adeegyo dawladeed ah. Bogga ayaa la furay sanadkii 2014 si loo taageero shacabka, dadka ajnabiga ah ee booqashada ku joogo, dadka degan ee aan Kenyanka aheyn iyo kuwa qaxootiga ah. Qaar ka mid ah adeegyada caadiga ah ee laga heli karo eCitizen waxaa ka mid ah:

Qofka waxa looga baahan yahay inuu akoon ka sameysto hanaanka eCitizen isaga oo adeegsanayo dukumiintiyada aqoonsigooda. Muwaadiniinta Kenyanka ah waxaa looga baahanyahay inay adeegsadaan aqoonsigooda qaran, dadka degan waxay isticmaalaan id-ga ajaaniibta ah,dadka ajaaniibta booqashada ku jira waxay isticmaalayaan baasaboor shaqeynaya, halka qaxootigu isticmaalaan aqoonsiga qaxootiga. Nidamakan waxa uu sidoo kale bixiyaa nidaam lacag bixineed, oo u oggolaanaya dadka isticmaala inay ku bixiyaan adeegyada ay doonayaan hanaanka lacag bixinta ee M-Pesa, kaararka bangiga iyo wareejinta bangiga.

Faa'iidooyinka 'Akoonka eCitizen'

Nidaamka E-Citizen ayaa ka dhigay nolosha dadka mid sahlan inay dadku helaan adeegyo kala duwan oo hal goob laga helaayo:

  • Fudaayd: Waa madal online ah oo dadka isticmaala ay awoodaan inay helaan adeegyada wakhti kasta iyada oo aan la eegeynin kala duwanaanshaha waqtiga, meel kasta,Ayaga oo ka fogaanaaya safafka iyo waraaqaha aan loo baahnayn.
  • La socosha: Wuxuu u oggolaanayaa dadka isticmaala inay la socdaan Meesha ay codsiyadooda marayaan,taasi oo kobcineysa daahfurnaanta adeeg bixinta.
  • Kharashka oo ay yareyni: Waxay yareyneysa kharashka safarka iyo maamulka, Iyada oo dadka isticmaala ay buuxinayaan iyada oo qaab online ah.
  • Waxay fududeysaa geedisocod dhakhso leh ee adeegyada sida codsashada ruqsadaha, baasaboorrada, cusboonaysiinta ID-ga, shahaadooyinka dhalashada, iyo diiwaangelinta ganacsiga.

Shuruudaha la doonayo si aad u hesho akoonka eCitizen

Si aad ugu qalanto xisaabta eCitizen ee Kenya, qaxootiga, magangelyo doonka, ajaanibta iyo muwaadiniinta waa inay buuxiyaan shuruudaha soo socda:

  • Qofka waa inuu ahaadaa 18 sano jir ama ka wayn.
  • Muwaadiniinta Kenyanka ah waxaa looga baahanyahay inay haystaan kaarka Aqoonsiga Qaran ID oo sax ah.
  • Qaxootiga waa inay haystaan aqoonsi aqoonsan oo aqoonsan oo aqoonsan qaxootiga ama kaarka ajnabiga ah.
  • Dadka ajnabiga ah ee deggan Kenya waxay u baahan yihiin aqoonsiga qaran ee ajaniibta oo ay bixiso Waaxda socdaalka ee Kenya.
  • Diblomaasiyiintu waxay u baahan yihiin warqad aqoonsi diblomaasiyadeed oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee kenya.
  • Lambarka telefoonka gacanta oo sax ah iyo cinwaanka emailka ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo akoonka iyo ogeysiisyada ka yimaada nidaamka eCitizen.
  • Waa in qofku ahaado qof fahansan kumbuyuutarka oo uu awoodo in uu luuqada Ingiriis ku qoro si uu isagau isticmaalo nidaamka. Magaalooyinka iyo xarumaha suuqyada maxalliga ah ee Kenya, ayaa qaar ka mid ah ganacsiyada gaarka loo leeyahay waxay bixiyaan adegeyada kombiyuutarada lagu galo internetka, isla markaana ku caawinaya adigo adeegyadaas lacag lagaaga qaadayo.

Madasha eCitizen waxaa laga bixiyaa buug dhamaystiran oo lagu liistaday dhammaan adeegyada ay bixiso dawladu. Adeegyada waxaa lagu hoos qoraa qeybta dowladda iyo waaxda ismamaullada ama Wasaaradaha.

Talaabooyinka ku saabsan sida loo sameysto akoonka eCitizen adoo qaxooti ku sugan Kenya

Si aad u sameysato akoonka eCitizen adigoo qaxooti Kenya joogo ah, raac talaabooyinka hoos ku qoran. Waa inaad haysataa:

  • Kaarka Aqoonsiga Qaxootiga oo ay soo saarto dowladda Kenya (Waaxda arrimaha qaxootiga ama Hay’ada UNHCR) si ay u isticmaasho aqoonsi ahaan.

Tallaabada 1-aad: Booqo shabakada eCitizen, oo aad u tag eCitizen Portal.

Tallabada 2-aad: Diiwaan gali akoonkaaga adoo dooranaya 'Refugee' qaybta nooca akoonka adoo ka dooranayo.

undefined.png

Soo saar Nambarka kaarkaga qaxootiga iyo macluumaadka kale ee loo baahdo (emal-ka,teleefan nambar, IWM.) ka dibna raac waxa kuu soo baxa.

Tallabada 3-aad: Xaqiijinta macluumadka akoonkaaga

Waxaad ka heli doontaa fariin qoraal ah oo ka timid 'ECITIZEN' oo leh lix lambar ah oo aad ku qori doontid bogga si loo xaqiijiyo akoontaada. Sidoo kale waxaa koodhka xaqiijinta ah loo diri doonaa emailka loo isticmaalo in lagu diiwaangeliyo akoonka.

Tallaabada 4-aad: Furo akoonkaaga

Kani waa tallabada ugu dmabeysa, Markaad xaqiijiso akoonkaada, nidaamka wuxuu kuu furaya akoonkaaga boggan. Ka dib waxaad raadin karta oo aad heleysa adeegyada sida ruqsadaha, shatiga iyo adeegyada kale ee loo fidiyo qaxootiga.

DADKA KENYANKA AH

  1. Boqoo shabakada eCitizen: Tag nidaamka eCitizen Portal. Nidaamka markaad gasho dhanka midig aad, Ku dhufo qaybta cagaaran ‘Register'. Ka dib ku soco.undefined.jfif
  2. Ku dhufo Create Account oo dooro Kenyan Citizen. Ka dib markaad gujisid 'Register', dooro nooca akoonka si aad ugu sii socoto nidaamka. Muwaadiniinta Kenyan-ka ah waxaad doorataa qeybta muwaadiniinta, waxaadna buuxisaa macluumaadka, magaca koowaad, ID-nambarka, iyo sannadka dhalashada, kadibna la soco tix raaca. Hubi in macluumadka ay sax yihiin ka hor intaadan gujinin badhanka ansaxinta.undefined (2).png
  3. Gali cinwaanka emailkaaga iyo lambarka telefoonka: Markii ansaxdu dhacdo, magacaaga oo dhameystiran ayaa soo wada muuqanaya, hore u soco oo buuxi faahfaahinta xiriirka saxda ah sida. lambarka telefoonka ee saxda ah (ku bilow +254 ...) cinwaanka emailka ka dibna raac tilmaamaha.
  4. Xaqiijinta: E Citizen wuxuu u baahan yahay qof walba inuu cadeeyo aqoonsigiisa isaga oo isticmaalaya erey sirta ah (verification code) kaas oo ama lagu soo diro email ama sms. Gali xeerka xaqiijinta si aad ugu dhamaystirto diiwaangalinta.
  5. Sameyso password waafaqsan shuruudaha: Ka dib markaad gasho erayga sirta ah ee hal mar loo soo diray, riix talaabada xigta si aad u sameeysato nambar sir ah oo awood leh oo aad doorato adiga kuu gaar ah sida tilmaamaha.
  6. Gali sawirkaaga oo ogolaaw xeerarka: Marxaladdan, qofka waxa looga baahan yahay inuu galiyo sawirkiisa oo kaa caawin doona xoojinta maclumaadka shakhsiga ah. Aqbalia xeeraeka ayaa sidoo kale xaqiijinaysa in aad u hoggaansantaan shuruudaha ay soo saartay Dowladda Kenya ee ku aaddan codsigaan.
  7. Furo akonkaaga: Marka lagu xaqiijiyo, gal akoonkaaga oo codso adeegyada kala duwan ee dowlada aad u baahantahay

Sameynta akoonka eCitizen ee Diblomaasiyiinta jooga Kenya

Helitaanka nidaamka eCitizen ee Kenya hadii tahay diblomaasi waxay u baahan tahay qaab waxooga ka yara duwan habka caadiga ah ee muwaaddiniinta ama dadka ajnabiga ah.

Diblomaasiyiinta Kenya jooga waxay akoonka ka sameyn karaan nidaamka eCitizen iyagoo ka dooranaya xulashada sida gaarka ah ee diblomaasiyiinta ee bogga diiwaangelinta ku qoran.

Shuruudaha looga baahan yahay diblomaasigu dhanka ee nidaamka eCitizen

Si ay isu diwaangeliyaan, diblomaasiyiinta waa inay heystaan:

  • Kaarka aqoonsiga diploomasiyiinta ee ay bixiso wasaarada arrimaha dibbada ee Kenya.
  • Helitaanka email iyo telefan nambar oo shaqeynaya si loogu adeegsado xaqiijinta iyo isgaarsiinta.
  • Helitaanka internet.

Adeegyada diploomasiyiinta ay ka heli karaan nidaamka eCitizen

  • Adeegyada socdaalka
  • Diiwaangelinta babaurta,
  • Codsiga viisaha, iyo adeegyada kale ee dowlada.

Xasuusnaw: Qaar ka mid ah adegyada waxay u baahanyihiin inaad tago xafiiska dowlada ee ay khuseyso, iyada oo ku xiran nooca codsiga.

Samaynta akoonka eCitizen adigo ah ajanabi jooga Kenya

Si aad u saeysato akoonka eCitizen adigoo ah ajanabi, booqo shabakada eCitizen website ka dibna raac tallabooyinka so socda:

  • Markaad gasho qaybta ugu hore, riix "Create Account."
  • Dooro qaybta ajanabiga degan. Qeybtaan waxaa loogu talagalay dadka ajaanibta ah ee ku nool Kenya oo haysta aqoonsi Qaran oo ajanabi ah oo ay soo saartay Waaxda Socdaalka.
  • Geli macluumaadka loo baahan yahay ka dib ka tix raac.
  • Keen macluumadka kale ee loo baahan yahay, sida cinwaanka email iyo nambarka sirta ah oo sugan, kaas oo loo isticmaali doonaa si aad u gasho akoonkaaga.

Ka akhriso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada dawladda oo lagu daray khariidadaha adeegga Julisha.Info adigoo gujinaya links-yada hoose:

Haddii aad wax su'aalo ah qabtid, fadlan noogu soo qor bogga Julisha.Info Facebook, ama nagala sheekeyso WhatsApp-ka (+254110601820) Isniinta illaa Jimcaha laga bilaabo 08:00 subaxnimo illaa 5:00 galabnimo.