Helitaanka fursado shaqo oo hufan oo loogu talagalay qaxootiga Kenya ayaa muddo dheer waxa walaac ka muujiyay hay'adaha taageera bulshooyinka barakacayaasha ah. Waxaa la sameeyay dadaalo badan oo lagu caawiyo qaxootiga, sida fududeynta helitaanka ruqsadaha shaqada, bixinta ruqsadaha ganacsiga, iyo bixinta barnaamijyo lagu horumarinayo xirfadaha . Dadaalladan waxay qaxooti badan siisay xirfadaha iyo shahaadooyinka loo baahan yahay si ay u helaan hab-nololeed waara. Hase ahaatee, caqabadaha dhaqaale ee Kenya waa mid joogto ah, taas ayaa mid adag ka dhigtay inay qaxootiga helaan shaqooyin xasilloon. Sidaas darteed, qaxooti badan oo xirfad leh ayaa hadda dibadda ka raadinaya fursado ka wanaagsan , gaar ahaan Mareykanka, halkaas oo ay rajo ka qabaan in la helo shaqo haggagsan  iyo mustaqbal sugan.

Barnaamijka Ku Soo Dhaweynta Shaqada WCW  ee Hay’adda IRC waxay isku xirtaa qaxootiga xirfadda leh ee Kenya iyo Uganda iyo dadka iyo shirkada shaqalaha u baahan ee gudaha Mareykanka. Barnaamijka waxaa maalgelisay dowladda Mareykanka. WCW waxaa fulisa IRC oo kaashanaysa Talent Beyond Boundaries TBB.  

Maqaalkan, waxaan kuugu soo gudbineyna macluumaad ku saabsan sida qaxootiga xirfadda leh ee ku nool Kenya uu u heli karo  taageero si uu uga helo fursad shaqo oo hufan gudaha Mareykanka iyadoo la raacayo tillaabooyinka la tilmaamay. 

Macluumaad ku saabsan sida qaxootiga ku nool Uganda ay fursadan u heli karaan ka hel HALKAN

Warbixin guud oo ku saabsan Barnaamijka WCW

Barnaamijka WCW  wuxuu leeyahay saddex daneeyayaal oo waaweyn; 

  • Qaxooti xirfad leh - Qof aqoon gaar ah leh, shahaado ama khibrad u leh xirfad gaar ah ama warshado tusaale; Daryeelka caafimaadka, ilaalinta guriga, soo dhawaynta & cuntada, dhismaha, waxbarashada, tignoolajiyada isgaarsiinta ICT, iwm.   
  • Shirkaha shaqaalaha gudaha Mareykanka - shirkadaha u baahan shaqaale leh shahaadooyin, xirfado ama khibrado kala duwan. 
  • Kooxaha kafaala qaadka ee gaarka ah. -Kuwani waa kooxo  ama qoysas Maraykan ah oo bixiya taageerada hore ugu yaraan 90 maalmood marka qaxootiga la dejiyo. Taageerada bilowga ah waxaa ka mid ah guriyeynta, baahiyaha aasaasiga ah, isku xirka adeegyada khuseeya (daryeelka caafimaadka, waxbarashada), iyo taageerada la qabsiga bulshada cusub. Waxay ka caawiyaan qaxootiga  fududaynta habka dib-u-dejinta iyagoo siinaya taageero dhaqaale, dhanka gaadiidka, iyo taagerada bulshada. 

 

Shuruudaha laga doonayo qaxootiga si ay ooga qeybqaataan barnaamijka WCW  

Barnaamijka 'Welcome Corps at Work' waa barnaamijka dadka iyo shirakadaha shaqada bixiya ay hoggaaminayaan, taasoo la micno ah in qofka qaxootiga ah loo tixgeliyo oo kaliya inuu dib u dejin ka helo Mareykanka iyadoo ku saleyneyso  shaqada loo fidiyay. Si kastaba ha ahaatee, dhammaan qaxootiga doonaya inay helaan shaqooyin amaan ah iyo dib u dejinta Mareykanka waa inay buuxiyaan shuruudaha soo socda:  

             • Waxaa lagama maarmaan ah inuu Kenya yimaaday ka hor 30-ka Septembar 2023 

            • In dawladda Kenya u diwaangaliso aqoonsi qaxooti oo sax ah, warqadaa sugida ah ama mandate-ka si ay u caddeeyaan qaxootinimadooda. (Dhamaan xubnaha qoyska oo ay ku jiraan carruurta ka yar 21-ka sanad-jir - waa inay sidoo kale buuxiyaan shuruudahan.) 

 

AMA  

  • Heysto dacwada nambarka Barnaamijka gelitaanka Qaxootiga Maraykanka  ee USRAP 

Qof kasta oo qaxootiga xirfad leh oo Jooga Kenya oo buuxiya shuruudaha kor ku xusan , wuxuu xor u yahay inuu codsado. Shaqo-bixiyaha waxaa qeexaya aqoonta luuqada Ingiriiska iyo shahaadooyinka kale, sababtoo ah shaqo bixiyayaasha kala duwan waxay u baahan yihiin heerka aqooneed ee luuqada Ingiriiska oo kala duwan iyo aqoon kala duwan. 

  
Sidee ayuu u shaqeeyaa barnaamijka WCW? 

Dadka qaxootiga ah ee buuxiya shuruudaha loogu talagalay barnaamijka WCW, waxay iska diiwaangelin karaan buugga hibadda. Buugga hibadda waa madal qofku uu ka sameysanayo akoon wuxayna faahfaahin ka bixinaya aqoontooda shaqo iyo waayo-aragnimadooda shaqo.  

Hoos waxaa ku yaal tillaabooyinka la raacayo si lagugu xiro shaqo: Ku samee profile-kaaga halkan: Iska diiwaan geli oo ku dar macluumaadka xirfadahaaga, waxbarashadaada iyo khibradaada shaqo.

1. Shaqada kuugu habboon: Marka shaqo la helo, sharaxaadda shaqada ayaa la soo galin doonaa buugga hibadda. Marka tan la sameeyo, nidaamka wuxuu dhex mari doonaa ciwaanada diiwaangashan oo wuxuu soo saari doonaa liiska ciwaanada leh aqoonta shaqada la doonayo.

2. Qaadashada & Xaqiijinta: : Shaqaalaha IRC ayaa wareysanaya kuwa shaqadoonka ah iyada oo macluumaadkan mar kale ay gudbinayaan kooxda barnaamijka u qalmitaanka iyo sidoo kale inay xaqiijiso Hay'adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga UNHCR iyo Waaxda Adeegyada Qaxootiga ee DRS ka hor inta aan magaca iyo CV'yadaba lala wadaagin shaqa-bixiyaha. 

3. Wareysiyada kuwa shaqada bixinaya: Shaqa-bixiyayaashu waxay dooranayaan dadka  ay rabaan inay wareystaan. IRC waxay  marxaladan dadka ku taageertaa kulamada diyaarinta wareysiga, goob ay wareysiga ku sameeyaan, iyo internet haddii loo baahdo. 

4. Dalab shaqo iyo Dib u dajin: Kuwa guuleysta waxay helayaan dalab shaqo. Haddii ay aqbalaan, IRC waxey kiisaskooda u gudbineysaa Barnaamijka Gudbinta Qaxootiga ee Mareykanka ee USRAP si dib udajin loogu sameeyo. Hawsha dib udajintu waxay inta badan qaadataa 1 ila 2 sano. 

Sida loo diiwaan geliyo buugga hibadda; 

Sameyso ciwaan adigoo adeegsanaya emailkaaga iyo eray sir ah oo aad xasuusan doontid. Si aad tan u sameyso, guji linkigaan , ka dibna hoos u riix ilaa aad ka aragto halka 'diiwaanka'.  

Fadlan ogow in buugga hibadda uu ku qoran yahay luqada Ingiriiska.  

Riix badhanka 'Register' , gali cinwaanka emailkaaga oo abuuro nambarka sirta ah oo aad xasuusan doontid. Ka dibna buugga thibadda wuxuu ku dhihi  doonaa: 

1.Ku qor xogtaada guud sida magacaaga oo kale, markii aad Kenya soo gaartay, macluumaadkaada xiriirka iyo lambarkaaga shaqsiyeed.  

2. Ku qor warbixin ku saabsan shaqadaada (tusaale ahaan  kalkaalisada caafimaadka: 3 sano, Guri ka shaqayn: 1 sano) 

3. Ku qor faahfaahin badan sida ugu macquulsan ee ku saabsan khibradaada shaqo. Kuwa codsiyada dhiibanaya ayaa lagu dhiirigelinayaa inay si faahfaahsan u soo qoraan sharaxaadda shaqooyinka kala duwan ee ay qabteen si faahfaahsan intii ay u suurogali karto. 

4. Geli macluumaadka waxbarashada iyo shahaadda.

5- Liisgali luqadaha aad taqaanid iyo heerarka aqoonta aad u leedahay mid kasta.  Luuqad walba oo aad qortid waxaa laguugu weydiinayaa darajada: (a) sida ugu fiican ee aad ugu hadasho, iyo (b) sida ugu fiican ee aad luuqadda wax ugu akhrisan kartid, luuqaddana wax ugu qori karto.

Luuqad kasta oo aad sheegato waxaa laguu waydiinayaa darajada: (a) si wanaagsan ayaad ugu hadashaa, iyo (b) sida ugu fiican ee aad luuqada wax ugu akhrisan kartid, luuqadana aad wax ugu qori karto. 

6- Soo buuxi CV'gaada, aqoonsiga qaxootiga iyo dokumeenti kasta oo kale oo cadeynaya inaad xaq u leedahay barnaamijka, aqoonsashadaadana aad u heshid shaqo. 

Waxaad mar kasta dib ugu laaban kartaa ciwaankaaga oo aad ku cusbooneysiin kartaa shahaado cusub ama khibrad shaqo hadii ay jiraan.

Dib u dejinta musharraxiinta guuleysta 

Kuwa shaqooyinka ka hela barnaamijka Welcome Corps at Work waxaa loo hawlgelin doonaa si la mid ah sida dhammaan qaxootiga kale ee  USRAP. Qaxootiga barnaamijka USRAP waxaa lagu samaynayaa baaritaan adag oo ay sameeyaan sirdoonka, laamaha amaanka iyo hay'adaha sharciga ee Maraykanka, iyo sidoo kale baaritaan caafimaad ka hor iyo ka dib marka ay u socdaalaan Maraykanka. Dhammaan jadwalka baaritaanka iyo ka baaraandegidda (laga bilaabo wakhtiga qofku aqbalo shaqada) hadda waa inta u dhaxaysa 12 ilaa 24 bilood. 

Hya’adda IRC ayaa sidoo kale qaadanaysa kooxo gaar ah oo Maraykanka ku sugan kuwaas oo xubno ka noqon doona bulshada maxalliga ah ee qofka qaxootiga uu shaqo ka helayo si loo siiyo taageero bilow ah ugu yaraan 90 maalmood marka dib loo dejiyo.  

Macluumaad muhiim ah oo ku saabsan khiyaamadda iyo sida loo soo gudbiyo

Dadka codsiyada dhiibanaya waa inay daacad ahaadaan oo run sheegaan inta lagu guda jiro geeddi-socodka. Daacadd darro waxay sababeysa inuu qofka waayo fursada.

Inta lagu guda jiro geeddi-socodka dib-u-dejinta,adigoo og inaad macluumaad been ah ku soo bandhigto codsi horyaala dawladda Maraykanku waxay horseedi karta in mustaqbalka in loo diido codsiyada socdaalka iyo waxa laga yaaba inay noqdaan dembi hoos yimaada sharciyada dalkan Maraykanka.     

Diiwaangelinta buugga shaqaalaha kartida leh, isku beegidda shaqada, wareysiyada shaqada, gelitaanka Barnaamijka Qaxootiga ee Maraykanka iyo habraacyadiisa, in lala beegsado kafaala-qaade gaar ah, iyo dhammaan taageerada kale ee ay bixiso Welcome Corps at Work waa bilaash, waxaana si caddaalad ah oo sinnayn loogu adeegayaa dhammaan dadka codsada.

 

Qaxootigu waa inay ka digtoonaadaan qof kasta oo weydiista lacag si ay u saameeyaan ama dedejiyaan geedi socodka – been ayaay sheegayaan. Welcome Corps kaama caawin karaan inaad dib u soo hesho lacag lagu bixiyay si ay u helaan barnaamijkan. 

Dadka qaxootiga ee codsanaya barnamaijka Welcome Corps  waxay leeyihiin wakhti isku mid ah sida dhammaan kuwa kale ee qaxootiga ee codsanaya barnaamijyada ee galitaanka Qaxootiga ee Maraykanka.  Haddii uu qof yiraahdo wuu ka caawin karaa si codsiga dhakhso u dhameytirmo, tani waa been abuur mana aha run.    

 

Waraaqaha aqoonsiga ee codsadaha waxaa iska leh qofka codsanaya.  Kuwa kafaala qaadaya qaxootiga ee Maraykanka jooga xaq uma laha inay qaataan ama keydiyaan dukumiintiyada qaxootiga. 

Kaliya dowladda Mareykanka ayaa go'aaminaysa, haddii qofka soo codsadaa uu qaxooti yahay. Kuwa kafaala qaaday qaxootiga ma awodaan inay dib  ugu soo celiyaan dalalkoodii ay ka soo jeedeen ama ay joojiyaan dacwadahooda la xiriira barnamijka dib u dejinta maraykanka.   

Barnaamijka Shaqada Ee Kooxda Soo Dhawaynta ee IRC Kenya waxa ay qaxootiga kala soo xiriiri doontaa oo kaliya dhanka emailka work@welcomecorps.org ama lambarka 0115119896 

Waxaad soo sheegi kartaa qof kasta oo qaxootiga ka codsanaya lacag ama gallad adigoo ku diraya email-ka :  fraud@welcomecorps.org  Kooxda Welcome Corps waxay u shaqeysaa si loo hubiyo inaan shaacinin iyo badbaadada dadka soo gudbinaya warbixinnada. 

Ma u qalantaa? Riix lifaaqan tctalent.org/?p=irc  ama scan dheh Koorka QR hoose, riix diiwaangelin ka dibnasameyso ciwankaaga. Khyar badan dhamaan!  

  

SOM.png

Haddii aad wax su'aalo ah qabtid, fadlan noogu soo qor bogga Julisha.Info Facebook, ama nagala sheekeyso WhatsApp-ka (+254110601820) Isniinta illaa Jimcaha laga bilaabo 08:00 subaxnimo illaa 5:00 galabnimo.