Carruurta ku sugan guryaha miyiga iyo magaalooyinka waxaa laga yaabaa inay la kulmaan caqabado kala duwan oo ay ku jiraan arrimo ay ka mid yihiin derajada dhaqaalaha bulsho, ceebaynta iyo takoorka, dhaqdhaqaaqa qoyska iyo ku xadgudubka xuquuqdooda oo ay sameeyaan dad iyaga ka agdhow. Tacadiga ka dhanka ah carruurta gaar ahaan ku shaqeysiga carruurta ayaa aad ugu baahsan qoysaska wajahaya saboolnimada iyo kheyraadka. Qoysaska ku nool goobaha ay ka mid yihiin xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma iyo bulshooyinka ku xeeran ee martida loo yahay ee ku nool meelaha abaaraha iyo dhulalka oomanaha ay aadka u nugul yihiin dakhligooda oo hooseeya, barakacyada ka dhasha rabshadaha/colaadaha iyo xaaladaha cimilada ee adag sida abaarta oo saameysa helitaanka cuntada. Sidaas darteed, inta badan caruurta waxaa lagu qasbaa inay shaqeeyaan si ay u caawiyaan waalidiintooda iyo kuwa masuulka ka ah si ay u daboolaan qaar ka mid ah baahiyahooda aasaasiga ah sida cuntada. Caruurta qaar ayaa ugu dambayn ka taga dugsiyada.
Waxaan ku soo koobnay maqaalkan xog sugan oo kaa caawineysa inaad fahamto ku shaqeysiga caruurta, sida ay saameyn ugu yeelato caruurta, iyo hay'adaha bixiya adeegyada caawinaya ka jawaabida tacaddiyada, dayacaadda, kufsiga iyo rabshadaha saameynaya caruurta. Fahamka sababaha keena ku shaqeysiga caruurta iyo ka shaqaynta sidii loo ciribtiri lahaa dhaqankan waxay muhiim u tahay in carruurteenu haggaagsanaadaan. Qof kasta oo bulshada ku dhex jiraa wuxuu door ku leeyahay abuuritaanka jawi nabdoon oo ka madax bannaan ku shaqeysiga caruurta iyo ku tumashada xuquuqda caruurta.
Yaa canug ah?
Sida ay sheegtay hay'adda Unicef ee u qaabilsan Carruurta ee Qaramada Midoobay UNICEF iyo sharciga dalkani Kenya, ilmo waa cunug kasta oo ka yar da'da 18 sano.
Waa maxay Ku shaqeysiga carruurta?
Ku shaqeysiga caruurta ayaa ah nooc kasta oo ay tahay ku lug lahaanshaha shaqa walba oo u diida caruurta inay fursad u helaan carruurnimadooda, kartidooda iyo sharaftooda, taasina waxay waxyeello u geysaneysaa korriinka jirkooda iyo maskaxdoodaba. Sida ay qabto hay'adda shaqaalaha aduunka iyo UNICEF, Ku shaqeysiga caruurta waxaa ku lug leh shaqo ah in carruurtu oo aad u da'yar yihiin inay qabtaan, oo sideedaba adag ayaa loo aqoonsan kara inay yihiin kuwa aan badqabin. Waa shaqo;
- Maskax ahaan, jir ahaan, bulsho ahaan ama naf ahaanba khatar u ah oo waxyeello u geysan karta carruurta. Tani waxaa ka mid noqon kara: Ku shaqeysiga xagga dhirta iyo beeraha, addoonsiga ama dhaqamada lamidka ah addoonsiga, oo ay ku jiraan iibinta carruurta iyo ka ganacsiga carruurta. Meelaha qaarkood, caruurta waxaa laga yaabaa in si khasab ah laga qayb galiyo dagaalo hubaysan, oo loo adeegsado soo saarista iyo ka ganacsiga daroogada, ama laga qayb galiyo ka ganacsiga jirka. Noocyada kale ee ku shaqeysiga caruurta waxaa ka mid ah dawarsiga, casayntaa kabaha iyo shaqada qoyska.
- Waxaay Carqaladeysa waxbarasha iskuulkooda: ayadoo loo diido caruurta fursad ay iskuulka ku dhigtaan, ayna waajib ku tahay inay iskuulka ka baxaan waqti hore; ama in loo baahan yahay inay isku dayaan inay iskool dhigtaan iyo shaqo culus oo xad dhaaf ah.
Waxaa muhiim ah in la ogaado in dhammaan shaqada ay qabanayaan carruurta aan lagu tilmaamin inay yihiin ku shaqeysiga carruurta. Tusaale ahaan, hawlaha ay ka mid yihiin ka caawinta ganacsiyada qoyska ama waajibaadka qoyska sida biyo dhaaminta iyo nadiifinta xilliga ka baxsan waqtiga iskuulka iyo xilliga fasaxyada iskuulka lagu jiro waxaa laga yaabaa inaan loo arkin ku shaqeysiga carrurta oo ka jira dalalka intooda badan. Tusaale ahaan, dalka Kenya, qodobka 56aad ee sharciga shaqaaleynta ayaa sheegaya in canugga da'diisu u dhaxeyso saddex iyo toban iyo 16 jirka laga yaabo in loo shaqaaleeyo si uu u qabto shaqooyin fudud hadii aysan caafimaadkiisa waxyeelo u geysaneyn, isla markaana aysan ka hor istaageynin inuu iskuul dhigto. Howlaha noocan ahi waxay ka qayb qaataan kor u qaadida carrurta iyo daryeelka qoysaskooda; inay siiyaan xirfado iyo waayo-aragnimo, iyo inay ka caawiso sidii ay u noqon lahaayeen xubno waxtar ku leh bulshada dhexdeeda noloshooda markay weynaadaan.
Saameynta ay carrurta ku yeelato ku shaqeysigooda
Ku shaqeysiga wuxuu saamayn ku yeeshaa caafimaadka jirka iyo maskaxda ee carruurta. Waxay Meesha ka saarta xaqa ay u leeyihiin inay helaan waxbarasho habboon, waxay dhiirigelisaa marxaladda saboolnimada. Waxay keeni kartaa in marka weynaadaan aysan helin xirfadaha iyo fursadaha . Samaynta kale ee ku shaqeysiga carrurta keento waxaa ka mid ah:
- Caafimaadka Maskaxda iyo Jirka- Carruurta shaqada gala, oo ay ku jiraan noocyo khatar ah ayaa wajaha khatar jireed oo ay ka mid yihiin inay la kulmaan kemikooyiin sun ah, shaqo culus , iyo mashiinada khatarta ah oo ay ku shaqeeyaan, taas oo sababi karta dhaawac ama xita dhimasho. Walaaca iyo xaaladaha shaqo ee adag waxay saameyn xun ku yeelan karaan caafimaadka maskaxda ee carruurta, taasoo keenta walaac, werwerka maskaxda iyo dhaawacyo.
- Waxbarashada- Ku shaqeysiga carruurtu waxay faragelinaysaa xaqa uu cunugga u leeyahay inuu helo waxbarashada. Carruurta shaqeeya ayaa inta badan aan si wacan u xaadirin dugsiyada ama gebi ahaanba iskuulada ayey ka baxaan. Tani waxay u diideysaa fursad ay ku bartaan xirfadaha iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah mustaqbal ifaya. Xaaladdan oo kale, caruurtani waa kuwo ay suuro gal tahay inay mustaqbalka waayaan shaqo dhakhli ka soo gala oo Sharaf leh.
- Kala go'a carrurta kale- Ku sahqeysiga carruurtu waxay ka go'doonisaa carruurta kale, taas oo ka hor joogsata inay la kulmaan oo ay helaan carruurnimo. Waxay seegayaan fursadda ay ku dhisanayaan saaxiibtinimo ayna wanaajiyaan awoodooda ay kula macaamilaan oo ay la xiriiraan dadka kale. Waxay keeni kartaa dareen ah in laga reebay dadka kale iyo dareen ah in laga reebay bulsho weynta.
- Ku xad-gudubyada xuquuqda aadanaha- Ku shaqeysiga carruurta waa xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha aasaasiga ah ee carruurta. Waxay ka baabi’ineysad carruurnimadooda, waxbarashadooda iyo fursadii ay ku gaari kareen awooddooda buuxda. Sidoo kale waa xadgudub ka dhan ah heerarka caalamiga ah ee shaqaalaha. Dalka Kenya, waalidiinta xanaaneeya iyo shaqo bixiyayaasha ku hawlan shaqaaleysiga carrurta, waxay la kulmi karaan cawaaqib xumo sida uu dhigayo sharciga Kenya.
Muxuu sharciga Kenya ka sheegaya ku shaqeysiga carruurta
- Dalka Kenya ayaa waxaa ka jira sharciyo carrurta ka ilaaliya khatarta iyo ku shaqeysiga caruurta. Sharciyadaas waxay qabanayaan dhamaan dadka ku nool ama ka shaqeeya Kenya. Sida ku xusan qodobka 53aad ee dastuurka Kenya, ilma kasta waxa uu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo xadgudub, dayacaad, dhaqamo waxyeello leh, nooc kasta oo rabshado ah, la dhaqan xumo iyo ciqaab bani'aadanimada ka baxsan, iyo shaqa khatar ah oo halis ah.
- Qodobka 56aad ee sharciga shaqaalaynta ayaa sheegaya in aanu qofna shaqaalayn karin cunug aanu gaarin sadex iyo toban sannadood, ha ahaadee mid faa'iido leh ama si kale ha ahaatee. Taas macnaheedu waxa weeyaan in aan sharciyada Kenya u waafaqsaneyn in la shaqaaleysiiyo ilmaha da'doodu ka yar tahay 13 sano. Si kastaba ha ahaatee, ilmaha jira inta u dhaxaysa saddex iyo toban iyo 16 jir waxaa laga yaabaa in loo shaqaaleeyo si uu u qabto shaqo fudud oo ay u badan tahay inaysan waxyeello u geysan karin caafimaadka iyo korriinka ilmaha; aysan sido kale ka hor istaagayso in cunugaasi uu iskuulka dhigto, ka qayb galkooda cilmiga farsamada ama barnaamijka tababarka.
- Xeerka Shaqaalaynta Qodobka 53aad, ayaa sidoo kale mamnuucaya dhamaan qaababka ugu xun ee shaqaalaha, taasoo hay'adda shaqaalaha aduunku ay u bixisay inay yihiin dhammaan noocyada addoonsiga ama dhaqamada la midka ah addoonsiga. Kuwaas waxaa ka mid ah;
-
- Isticmaalidda, soo iibinta ama ka qayb galinta ilmaha ee ka ganacsiga jirka, soo saarida filimada qaawan ama bandhigyada anshaxa xun.
- Isticmaalka, soo gelitaanka ama ilmaha oo loo dhiibo hawlo aan sharci ahayn, gaar ahaan wax soo saarka iyo ka ganacsiga daroogada.
-
Xeerkan ayaa sidoo kale ka horjeeda in carruurta lagu mashquuliyo shaqo nooc kasta oo ay tahay oo ay u badan tahay inay waxyeelayso caafimaadka, nabadgelyada ama akhlaaqda ilmaha.
-
Qodobka 18aad ee Xeerka Caruurta waxa uu dhigayaa: qofna ma ku shaqayn karo cannug, addoonsi ,ka faa'iidaysi xagga dhaqaalaha ah ama shaqo kasta oo khatar ah, oo carqaladeynaysa waxbarashadda ilmaha ama ay u badantahay inay waxyeello u geysanayso caafimaadka ilmaha ama jir ahaaneed, maskaxda, akhlaaqda ama korriinka bulsho. Intaa waxaa dheer qofna waa inuusan isticmaalin, iibsan, soo iibsan karin ama ilmo u bixin qaab addoonsi ama wax la mid ah adoonsi oo ay ka mid tahay:
-
- Tuugsi
- Addoonsiga deynta lagu addoonsanayo
- Addoonsasho, ama shaqalayn amar ama shaqalayn khasab ah ama bixinta adeegyo shaqsiyadeed, ha ahaadaan kuwa laga helaayo faa’ido ama yaysan ahaan.
-
Waa maxay ciqaabta lagu mutaysanayo hadii ilmo lagu shaqeysto dalka Kenya?
Ganaax:Qofka ka qayb qaata shaaqaaleysiinta carrurta ee ugu xun ama aan u hoggaansamin xeerarka la xiriira shaqaaleynta canugga, waxaa uu mutaysan karaa inuu helo ganaax dhan ilaa 200,000 oo shilin ama xariga ugu yaraan 22 bilood ama labadaba.
Taageerada ku aaddan carruurta lagu shaqaysta: Dalka Kenya maamulka adeegyada carruurta waxay u heelan tahay inay taageero u fidiyaan carruurta xuquuqdooda lagu xadgudbay. Qofka ayaa soo wargelin kara ama caawimaad u soo raadin kara carruurta lagu shaqeystay ayagoo la soo xiriiraya xafiisyada cinwaanada hoos ku qoran. Waxaa jira hay'ado kala duwan oo aan dowli aheyn, kuwaasoo bixiya adeegyada ilaalinta caruurta iyo gargaarka xeryaha qaxootiga ee Kakuma, Kalobeyei iyo Dadaab. Waxaad la xiriiri kartaa hay'adaha aan dowliga ahayn ee kala duwan adiga oo adeegsanaya cinwaanadooda soo socda:
Hay’adda ilaalinta carruurta | Macluumaadka dhanka xiriirka |
Directorate of Children Services (DCS) |
Nambarka qaran ee Carrurta
Cinwaanada DSS
|
Save the Children (SCI) |
Dadaab
|
Terre Des Hommes (Tdh)
|
Dadaab:
Kalobeyei
|
Danish Refugee Council (DRC) |
Kakuma/Kalobeyei
Nairobi
|
Wixii faahfahin ah oo ku saabsan adeegyada ay bixiyaan hay’adaha ku sugan Kakuma iyo Dadaab, Hoos ayaa ku qoranyihiin:
- Terre des Hommes (TdH) (Kalobeyei) - Maaraynta dacwadaha
- Refugee Consortium of Kenya (RCK) – Adeegyada carrurta
- Humanity and Inclusion (HI) - Adeegyada Carruurta
- Department of Children Services –Guryeenta
- Save the Children International (SCI) IFO 2 – Taageerida nafsiyeed
- Save the Children International (SCI) IFO 2 –Adeegyada bulsho
- Save the Children International (SCI) IFO 2 – Adeegyada waxbarasho
Haddii aad wax su'aalo ah qabtid, fadlan noogu soo qor bogga Julisha.Info Facebook, ama nagala sheekeyso WhatsApp-ka (+254110601820) Isniinta illaa Jimcaha laga bilaabo 08:00 subaxnimo illaa 5:00 galabnimo.