Bishii Nofeembar 2021, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saxiixay sharciga qaxootiga ee 2021.
Xeerka qaxootiga ee 2021 wuxuu aqoonsan yahay ilaalinta iyo maareynta qaxootiga jooga Kenya.
Sharciga waxa uu rajo cusub siinayaa in ka badan 500,000 oo qaxooti ah maadaama ay hadda heli doonaan hab nololeed iyo is-dhexgal dhaqaale iyo mid bulsho.
Kenya waxay u guurtey adeegsiga Sharciga Qaxootiga 2021 Febraayo 23, 2022.
Qormadaan waxa ay ku iftiiminaysaa waxyaabaha muhiimka ah ee aad u baahan tahay inaad ka ogaato sharciga qaxootiga ee 2021. Sii akhri si aad u fahanto isbeddelada, xuquuqaha cusub iyo fursadaha ay u badan tahay inay saameeyaan nolosha qaxootiga, magangalyo-doonka iyo Kenyaanka.
Marka hore, Xeerka Qaxootiga ee 2021 waxa uu u keenaya tiro xuquuq ah qaxootiga iyo magangelyo-doonka Kenya. Xuquuqaha cusub waxaa ka mid ah;
- Ka qayb qaadashada horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada marka ay ka helaan sharciga saxda ah iyo ogolaanshaha dawladda gobolka iyo qaranka.
Tani waxaa laga wadaa, qaxootiga hadda in ay heli karaan shaqo faa'iido leh waxaana laga rajeynayaa inay bixiyaan canshuurta si la mid ah muwaadiniinta Kenya.
- Qaxootigu waxa ay xaq u leeyihiin in ay galaan shaqo ama in ay bilaaban ganacsi ama in ay ku shaqeystaan ama ka ganacsadaan qaybaha ay ka haystaan shahaadooyin ay aqoonsan yihiin maamulada awooda u leh.
- Xaquuqda helitaanka aqoonsiga iyo sharciyada diiwaangelinta madaniga ah ee ujeeddooyinka helitaanka xuquuqaha iyo adeegyada hoos imaada Xeerka Qaxootiga 2021.
- Qaxootiga ka imaanaya Burundi, Rwanda, South Sudan, Tanzania, Uganda waxay heystaan ikhtiyaar ah inay ka tanaasulaan sharcigooda qaxootinimo oo ay raadsadaan habayn sharci oo ay ku raaxaystaan faidooyinka hoos imaada Heshiiska East African Community (EAC) Common Market Protocol.
- Ka mid yeelida qaxootiga ee qorshaha horumarinta qaranka iyo is maamulka oo ay ku jiraan isticmaalka la wadaago ee hay'adaha dawliga ah, tas-hiilaadka iyo meelaha bannaan ee u dhexeeya qaxootiga iyo bulshooyinka martida loo yahay.
- Ka ilaalinta qaxootiga iyo magangelyo-doonka in si qasab ah loogu celiyo dalalkii ay ka yimaadeen (dib u celinta) marka laga reebo meelaha ay jiraan sababo macquul ah oo loo arko inay khatar ku yihiin amniga qaranka Kenya.
- Kordhinta muddada rafcaanka codsiga aqoonsiga qaxootinimo ee la diiday laga bilaabo 30kii maalmood ee hore ilaa ugu badnaan 60 maalmood.
Marka loo fiiriyo sharciyada cusub, qofku waa inuu u qalmo inuu qaxooti ku noqdo Kenya haddii:
- Waxay caddeeyaan inay qabaan cabsi xaqiiq ah laga qabo cadaadis ku salaysan jinsigooda, diintooda, dhalashadooda, xubinnimadooda koox bulsho gaar ah ama fikir siyaasad iyo hadii dakaas aysan dooneyn iney dalkooda badbaado weydistaan.
Dembiyada iyo ciqaabaha lagu ridayo Kenyaanka, Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka
Xeerka Qaxootiga 2021 waxa uu tiriyey xaalad kasta oo laba jeer is diwaangelin ah in ay tahay fal dembiyeed ciqaabtiisana ay ku jirto xadhig. Waa fal dembiyeed;
- Muwaadin kasta oo Kenyan ah oo codsado asagoo og ama ku caawiyo Kenyan kale codsiga diiwaangelinta magangelyo-doon ama qaxootimada.
- Qaxooti kasta oo asagoo og u codsado aqoonsiga ama baasaboorka Kenya ama caawiyo qaxooti kale ama magangalyo-doon si uu codsigan u sameeyo.
Sida ku cad sharciga, haddii lagugu helo, qofku wuxuu bixin doona ganaax aan ka badnayn Ksh.500,000 ama waa lagu xidhi doonaa muddo aan ka badnayn saddex sano ama labaduba.
Inaad hadal been abuur ah u samayso sarkaal la magacaabay iyadoo ujeedadu tahay helitaanka ama kaalmaynta qof kale si loo helo gelitaanka, iyo diiwaangelinta magangelyodoon ama qaxooti ahaan sidoo kale waxa lagu tiriyey in ay tahay dembi.
Waa ku dembi qaxootigu, in uu guursado iyada oo ujeedadu tahay in lagu caawiyo qaxooti kale si uu u helo mid ka mid ah faa'iidooyinka uu bixiyo Xeerka Qaxootiga 2021.
Haddii aad magangelyo ka dooneyso Kenya oo aadan u sheegin sarkaal idman si aad u codsato magangelyo ama aqoonsi qaxooti 30 maalmood gudahood markaad soo gasho Kenya, sidoo kale waxaad halis ugu jirtaa ciqaab, waa dembi.Ciqaabaha qof kasta oo lagu helo arrintan waxaa ka mid ah in lagu xukumo ganaax aan ka badnayn Ksh.50,000 ama xadhig aan ka badnayn 6 bilood ama labadaba.Ganaaxa ayaa laga kordhiyey Ksh.20,000.
Sidoo kale waa fal-dembiyeed sida uu dhigayo sharcigan in uu yahay qaxooti shaqo faa'iido leh ka helay Kenya hadana aan bixin wax canshuur ah.
Falalka kale ee dembiyada ee ku taxan sharciga waa;
- Been abuurista, beddelka, burburinta ama haleynta muuqalka aqoonsiga ama sharci kasta oo kale oo lagu soo saaray Xeerka Qaxoontiga 2021.
- Ka codsashada laaluushka qaxootiga/magangelyo-doonka si loo fududeeyo helitaanka adeegyada ama xuquuqdooda.
Julisha.Info ayaa ku siisay jawaabaha qaar ka mid ah su'aalaha aad qabi karto ee la xiriira sharciga cusub. Waxaad ka heli kartaa halkan.
Haddii aad hayso wax su'aalo ah oo ku saabsan Xeerka Qaxootiga 2021, fadlan noogu soo qor bogga Facebook ee Julisha.Info , Isniinta ilaa Jimcaha 08:00 subaxnimo ilaa 5:00 galabnimo.